Madaxwayne kuxigeenka 1 aad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo hogaaminayo wafti wasiiro ah oo ay kamid yihiin wasaaradaha arimaha gudaha,warfaafinta iyo haweenka ayaa maanta booqday deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka alshabaab.
Waxaa watfiga ay tageen deegaanada muuse xaaji,malaayley,turdho,baxar saafka iyo baar sanguuni oo maalmihii lasoo dhaafay ay howlgalo ka wadeen ciidamada maamulka jubbaland iyo kuwa xooga dalka.
Waftigaan uu madaxwayne ku xigeenka hogaaminayo ayaa warbixin la xeriirta howlgalka iyo ilaa hadda guulaha laga gaaray ka dhagaystay saraakiisha hay,adaha amniga ee howlgalka kujira.