Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan iyo masuuliyiin kale oo lasocotay ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa wayn ee degmadda luuq ee Gobolka Gedo oo ku gubtay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay.
Maxamuud sayid aadan oo ay wehlinaayeen xildhibaano heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo saraakiil katirsan ciidanka ATMIS ayaa indhahooda kusoo arkay qasaarihii uu reebay dagaalkii ka dhacay degmadda luuq gaar ahaan suuqii degmadaasi oo dagaalka ku gubtay.
Masuuliyiintii tagtay degmadda luuq ayaana aad uga naxay dhibaatada qasaare ee ka dhalatay dagaalkii ka dhacay degmadda luuq oo sidoo kale sababay dhimashada dad badan oo isugu jiro shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay.
Kormeerka masuuliyiintaan maanta ku tageen suuqa degmadda luuq ee dagaalka ku gubtay ayaa imaanaya xili heshiis xabad joojin ah laga gaaray dagaalkii dhawaan degmadaasi ku dhexmaeay labbo maleeshiyo beeleed oo taageero ka kala helay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka jubbaland.