Maamulka degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo,saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa saaka ka qayb galay aaska alle ha unaxariistee xidigle boolis bileey huufood ibraahim oo xalay ku geeriyooday bam gacmeed lagu tuuray saldhiga booliska ee degmadda beled-xaawo.
Masuuliyiinta,saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan iyo bulshadii aaska ka qayb gashay ayaa sheegay inay murugada la qaybsanayaan qoyska,ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay sarkaal biileey huufood ibraahim oo mar soo noqday gudoomiye kuxigeenkii maamulka degmadaasi,Allena uga baryayaan in uu janadisia ka waraabiyo kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo.