Gudoomiyaha degmadda baardheere ee Gobolka Gedo aadan muxumed axmed dhagacade iyo kuxigeenkiisa saleebaan cabdi badal ayaa xafiiskooda ku baaqday guddiga horumarinta degmadda baardheere waxaa xafiiska kusoo dhaweeyay xubno kamid ah guddiga.
Masuuliyiinta iyo guddiga ayaa iska xog waraystay sida lagama maarmaan u tahay in la derdergaliyo hormarinta guud ee degmadda.
Kadib masuuliyiinta iyo guddiga ayaa si wadajir ah u kormeeray buundada ay saamaynta ku reebtay fatahaada elnino ee kurmaan taas oo laga dul dhisay togga wayn ee kala qaybiyo magaaladda waxayna isla xaqiijiyeen in culays wayn ay ku hayso bulshadda iyada oo fatahaahii elnino ay saamayn xooggan ku yeelatay.
Gudoomiyaha ayaa soo jeediyay in maalinimada beri ah ay toos u bilaabato shaqadda buundada isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gabagabeeyo si isku socodka bulshadda uu u fududaado.