Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi,gudoomiye kuxigeenada koowaad,labaad,madaxa arimaha bulshada degmada, gudoomiye kuxigeenka maaliyada ahna madaxa arimaha bulshada gobolka gedo,iskuduwaha wasaarada hawlaha guud,dib u dhiska iyo guryaynta maamulka jubbaland iyo isku duwaha ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray isbitaal cusub lagana hirgeliyay xaafada sideedaad ee degmadda b/xaawo.
Isbitaalkaan ayaa bixinaya adeegyo caafimaad oo dhamaystiran ayaa waxaa hirgeliyay dadka deegaanka waxaana loogu tala galay in lagu daaweeyo bulshada degmadda beledxaawo.
Ugu danbyan masuuliyiinta ayaa dhiiragaliyay dedaalka lagu hirgeliyay isbitaalka iyaga oo bulshada inteeda kale ku booriyay ka qayb qaadashada arimaha horumarinta deegaanka.