Gudoomiiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayeen gudoomiye kuxigeenka 1 aad ee degmadda cabdifitaax nuur mataan iyo xubno kamid ah maamulka degmada ayaa maanta waxaa ay markale kulan la qaateen madax sare oo ka socotay hay,adda Trocaire.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska maamulka degmadda beledxaawo ayaa waxaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa shaqaale tiradooda tahay 32 qof kuwaas oo dhawaan ay sheegtay hay,adda trocaire in aysan wax mushaar ah u haynin isla markaana ay fasaxayso.
Ugu dambayn kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.