Gudoomiyaha degmadda b/xaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayaan gudoomiye kuxigeenka 1 aad ee degmadda cabdifitaax nuur mataan,madaxa arimaha bulshada degmadda,madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha degmadda iyo odoyaasha guurtida ee degmadda ayaa maanta kulan la qaatay hay,adaha saraakiil kasoctay hay,adda trocaire.
Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee hotel hire ee degmadda beledxaawo ayaa waxaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa shaqaalaha dhowaan ay sheegtay hay,adda trocaire in ay fasaxayso .
Kulankani oo ahaa wajiga koobaad ayaa sidoo kale looga hadlay arimo badan oo kala duwan iyadoona dib la iskugu noqon doono markii go,aan wadajir ah laga gaaro arinta shaqaalaha ee weli taagan.