Isku duwaha wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee maamulka jubbaland dr maxamed cabdirisaaq ismaaciil ayaa waxaa uu booqasho guud ku tagay isbitaalka wayn qaliil hospital ee magaaladda beledxaawo ee gobolka gedo.
Waxaa isku duwaha uu u kuurgalay xaalada guud ee isbitaalka iyo caqabadaha waxaana uu mid u dul tagay goobaha adeeg bixinta caafimaad ee isbitaalka.
Isbitaalkaan oo bixiyo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran isla markaana bilaash ah ayaa waxaa gacanta ku haya hay,adaha trocaire iyo wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee jubbaland.