Ciidamada xooga dalka ee ku sugan magaalada beledwayne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa howlgal qorshaysan ku dilay mid kamid ah amniyaatka kooxda al shabaab oo doonayay in uu dhibaato u gaysto bulshada.
Howlgalka ayaa ka dhacay xaafada buundo wayn waxaana fuliyay askar katirsan guutada 5-aad qaybta 27-aad oo ku howlgalayay xogta bulshadda xaafada buundo-wayn.
Maydka xubinta amniyaatka kooxda ee ciidamada dowladda qaarijiyeen iyo hubkii uu watay oo ka kooban bistoolad iyo bambooyin ayaa ciidamada amniga kusoo bandhigeen mid kamid ah fagaarayaasha beledwayne.
Taliyaha guutada shanaad qaybta 27-aad kornayl maxamuud xasan ibraahim (bakaay) ayaa ku bogaadiyay howgalka ay fuliyeen,wuxuuna carabka ku dhuftay in ay dhamaatay waqtigii dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaano,dadka reer hiiraan ayuuna ugu baaqay in ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan amniga.