Hogaanka amniga gobolka gedo ahna taliyaha nabad sugida gobolka gedo ayaa maanta shir gudoomiyay kulan looga hadlay xaalada deegaanka iyo sidii xalwaaro looga gaari lahaa is qabqabsiga dhul beereedka.
Waxaa kulankaan qayb ka ahaa gudoomiyaha degmadda doolow ee gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi (lafeey) iyo odoyaasha dhaqanka beelaha deegaanada hoosyimaada degmadda doolow.
Dood dheer kadib waxaa la isku fahmay in si wadajir ah looga qayb qaato amniga iyo in sharciga lahaan shaha dhulalka looga danbeeyo maamulka iyo dowladda hoose.
Ugu danbayn gudoomiye lafeey ayaa odoyaasha ku bogaadiyay sida ay uga qayb qaataan amniga iyo horumarka deegaanka taasina ay tahay waajib saaran ka shaqaynta hawlaahas.