Hay,adda qaxootiga iyo barakacyaasha jubbaland ee magaceeda loosoo gaabiyo JUCRI ayaa 25 kamid ah gudoomiyeyaasha shanta kaam ee degmadda doolow ee gobolka gedo waxaa ay u qabatay tababar ku saabsanaa hab maamulka iyo maaraynta bulshada ay masuulka u yihiin.
Xubnahaan ayaa tababarka lagu baray sida loo maamulo deeqaha kala duwan ee la siiyo bulshada iyadoo loo marayo si daah furan lagana fogaanayo eex,midab takoor,nin jeclaysi balse ay tahay in barakacyaasha kuwooda mudan ama leh baahiyaha gaar ahaaneed oo ay kaga duwan yihiin kuwa kale ee ka dhaqaale roon si toos ah loo gaarsiiyo deeqaha gar-gaar ee la bixiyo.
Ugu dambayn hay,adda qaxootiga iyo barakacyaasha jubbaland ee JUCRI oo ka duulaysa in si wanaagsan loo maamulo caawinaada ayaa shan iyo labbaatan xubnood kula dardaarantay in sida ugu macquulsan deeq kaste loo gaarsiiyo kuwa nugul.