Waxaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo tababar loogu soo gebagabeeyay qaar kamid ah umulisooyinka iyo dhaqaatiirta ka hawlgala xarumaha caafimaadka degmooyinka luuq,garbohaaray,beledxaawo iyi doolow waxaana tababarkani soo qaban qaabisay hay,adda IOM oo kaa shanaysa wasaarada caafimaadka jubbaland.
Tababarka ayaa socday muddo shan maalmood ah waxaana lagu baranayay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta umulisooyinka iyo dhaqaatiirta ka howlgasha xarumaha caafimaadka si loo helo umulisooyin aqoontoodu sarayso.
Waxaa kasoo qayb galay xiritaanka tababarka masuuliyiink kasocday wasaarada caafimaadka,isu duwaha wasaaradda caafimaadka jubbaland ee gobolka gedo axmed qaliif ibraahim iyo hay,adda IOM.