Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi ( Lafeey) oo shir gudoominayay shir looga hadlayay nabad galyada deegaanada daawo iyo xiisada dagaal ee dowladda federaalka soomaaliya iyo itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Gobolka Gedo uu ku yaalo xaduud labbo dal ay leeyihiin dadkiisana ay qasab tahay inay kula noolaadaan nabad iyo wadajir.
Gudoomiye lafeey ayaa soo hadal qaaday hadalkii shalay kasoo baxay madaxwayne xasan shiikh maxamuud ee ahaa in lala dagaalo itoobiya.
Waxaa uu yiri lafeey dowladda federaalka xiisada badda ee itoobiya kala dhaxayso waa inay ku xalisaa si dibloomaasiyeed maadaama dadka soomaaliyeed waqtigaan aysan dagaal tabar u hayn,ciidamada itoobiyana ay joogaan gudaha dalka iyaga oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee nabad ilaalinta.
Waxaana uu sheegay dalka in uu san u diyaarsanayn quwad militari oo xaduudaha dalka lagayn karo,qaxootiga soomaaliyeedna ay gudaha itoobiya ku xaraysanyihiin sidaas darteed soomaaliya marnabo aysan dan ugu jirin dagaal waqtigaan.