Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka gedo maxamed cabdi xuseen(lafeey) ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah odoyaasha degaanka.
Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta amniga iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada kooxda alshabaab.
Waxaa sidoo kale laga hadlay adkaynta xaduudaha labada dal itoobiya iyo soomaaliya waxaana la isku afgartay in amniga laga wada shaqeeyo.
Lafeey ayaa odoyaasha u sheegay in ay dani ugu jirto in ay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida,deegaankana ay hormar u horseedaan.