Gudoomiyaha degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa galabta shir la qaatay masuuliyiin kasocotay shirkadaha korantada,shirkada isgaarsiinta ee hormuud iyo injineerada kambaniga dhisayo wadada laamiga ah iyo gudigga xalinta khilaafaadka.
Kulankaan uu gudoomiyaha la qaatay masuuliyiintaan ayaa waxaa qayb ka ahaa iskuduwaha wasaarada qorshaynta ee degmadda mascuud cabdirisaaq.
Waxaa kulanka looga hadlay dardar gelinta wadada laamiga ah iyo sidii loo fulin lahaa,dib u habaynta aargadda degmadda oo injineerada ay kasoo jeediyeen talooyin dib u habayn loogu samaynayo.
Ugu dambayn masuuliyiinta ayaa isku raacay in dhamaan si wadajir ah looga shaqeeyo wax walba oo soo saarayo bilicda iyo quruxda wadada laamiga ah ee gebagebada ku dhow,kaasi oo dhawaan yeelanayso degmadda beled-xaawo ee Gobolka Gedo.