Gudoomiyaha magaaladda baardheere ee Gobolka Gedo aadan muxumed axmed iyo ku xigeenkiisa saleebaan cabdi badal ayaa saaka kulan is xog waraysi ah la yeeshay xubnaha maamulka ee degmadda.
Kulankaan oo daarnaa isbarasho iyo soo dhawayn maamulka cusub gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa goob jog ahaa dhamaan xubnaha maamulka ee degmadaas.
Isbarasho kadib gudoomiyaha ayaa maamulka degmadda kula dardaarmay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo hormarka magaaladda dhinac kaste oo ay tahay,waxaana dib loogu balamay shirka mid ka balaaran oo ay kasoo qayb galaan saraakiisha laamaha amniga ee degmadda.