Gudoomiyaha degmadda baardheere ee Gobolka Gedo aadan muxumed axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kusaabsanaa isbarasho iyo isxog waraysi kula qaatay hay,adaha samafalka ee ka howlgala degmadda baar-dheere.
Gudoomiye aadan dhagacade ayaa kala hadlay hay,adaha samafalka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ka shaqaynta hormarka deegaanka,si gaar ah caawinta dadka danyarta ah ee kasoo barakacay guryahoodii.
Sidoo kale waxaa uu hay,aduhu kala hadlay inay gaarsiiyaan bulshada adeegyada hortabinta u leh.