Gudoomiyaha degmadda baardheere ee Gobolka Gedo aadan muxumed axmed dhagacade aaya saaka isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee ka howlgala degmaas.
Waxaa kulanka kasoo qayb galay taliyaha qaybta 43 aad ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ee degmadda baar-dheere,saraakiisha booliska iyo nabad sugida waxaana ciidamada qalabka sida ee kusugan degmadda lafaray inay fuliyaan awaamiirta ay soo saareen maamulka iyo saraakiisha oo ah joojinta indho shareerka ama niqaabka,gaadiidka muraayadaha madowga leh iyo xaqiijinta amniga guud ee degmadda baardheere.