Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta kulan isxog waraysi ah la yeeshay odoyaasha,haweenka,dhalinyarada ,waxgaradka iyo maamulka deegaanka gaawiidp oo hoostago degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga hadlay xal u helida qilaafyo kala duwan oo dhawaanahaan ka taagnaa deegaanka gaawiido,dardargelinta amniga deegaanka ,kaalinta ay maamulka ku leeyihiin nabadaynta iyo dib u heshiisiinta bulashadda deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka.
Kadib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xeriira dib u heshiisiinta iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka deegaanka ayay maamulka degmadda isla garteen in la xoojiyo amniga iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa maamulka,odoyaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana halkaasi lagu soo gabagabeeyay qilaafkii muddooyinkaan ka taagnaa degaanka gaawiido.