Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo safar shaqo ugu maqnaa magaaladda Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha kala duwan ee maamulka degmadda b/xaawo.
Kulanka oo ahaa mid isxog waraysi ayaa waxaa goobjoog ahaa xubnaha maamulka degmadda beled-xaawo.
Waxaa gudoomiyaha safarkiisa kismaayo ku wehlinayay madaxa maaliyada ee degmadda cabdiqadar yuusuf xuseen dhuumaal waxaana xubnaha kale ee maamulka uga warbixiyay safarkooda ay ku gaareen magaalada kismaayo iyo shirkii miro dhalka ahaa ee ay la yeesheen madaxda ugu sarayso maamulka jubbaland.