Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo c/siis xareed c/laahi oo uu wehlinayeen gudoomiye kuxigeenka degmadda c/fitaax nuur mataan,isu duwayaasha heer degmo iyo heer gobol oo wakiil ka ah wasaarada howlaha guud,dib u dhiska iyo guriyaynta ee maamulka jubbaland ayaa maanta waxay kormeer ku tageen xarumaha dowladda ee burbusan kuwaas oo kuyaalo degmadda beled-xaawo.
Xarumahaan ayaa burbursanaa tan iyo burburkii dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay allaha unaxariistee maxamed siyaad bare,mana aysan jirin wax dayactir ah oo ay ku sameeyeen dowladihii kala duwanaa ee dalka soomaray iyo maamuladii kala duwanaa ee soo maray degmadda b/xaawo ee gobolka Gedo.