Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayaan gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada degmadda cabdifitaax nuur mataan iyo gudoomiye kuxigeenka labbaad ee degmadda cali shire wehliye ayaa maanta kulan balaaran xafiiska golaha guurtida kula yeeshay xubnaha kala duwan ee golaha guurtida soomaaliyeed ee degmadda b/xaawo.
Kulanka ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa rusqaynta 30 shaqaale kamid ah shaqaalaha isbitaalka wayn ee khaliil ee degmadda oo hay,adda trocaire gacanta ku hayso,hay,adda ay sheegtay in ay shaqada ka tiri doonto iyo sidii wadajir loogu adeegi lahaa bulshadda beledxaawo si gaar ah arimaha xalinta qilaafaadka,arimaha adkaynta amniga,horumarinta bulshada iyo in xalinta caqabad kasto oo lidi ku ah xasiloonida degmadda iyo deegaanka.
Ugu dambayn golaha guurtida ee degmadda ayaa bogaadiyay hanaanka hogaaminta maamulka degmadda iyo sida tolmoon ee ay maamulka degmadu isku duubanyihiin isla markaana ay ula shaqaynayaan qaybaha kala duwan ee ururada bulshada beledxaawo.