Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi ayaa maanta kulan la qaatay saraakiil kasocotay hay,adaha UN-ka ee qaramada midoobay kuwaas oo gaaray degmadaas.
Waftigaan ayaa ka socday wajiga seddexaad ee mashruuca wadajirka ah ee adkaysiga joint resilience action (JRP) ee dowladda jarmalka kaasi oo ay fulinayaan hay,adaha kala ah WFP,UNICEF iyo FAO.
Waxaa waftigaan hogaaminayay masuuliyiin ka socotay wasaarada qorshaynta,maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka jubbaland waxaana wehlinayay wasaaradaha beeraha,waxbarashada ,xanaanada xoolaha,caafimaadka iyo wasaarada tamarta iyo qayraadka biyaha.
Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada b/xaawo halka ay marayaan iyo kuwa hada bilaabanaayo.
Madaxda ka socotay hay,adaha UN-ka ayaa waxaa ay maamulka iyo shacabka degmadda beledxaawo ku amaaneen doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan hormarka deegaanka iyo sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyeen iyo in ay beledxaawo tahay magaalo kamid ah magaalooyinka ugu wanaagsan gobolka iyo guud ahaan jubbaland oo dhan hormarka iyo amniga hadana ay u dhamaystiri doonaan mashaariicda socota,kuwo hor leh oo bulshada deegaankana waxtar u leh ay u qaban doonaan markastana laga shaqeeyo hormarka deegaanka.
Gudoomiyaha degmada beledxaawo cabdicasiis xareed cabdulaahi iyo maamulkiisa ayaa masuuliyiintii soo gaartay degmadda ka codsaday in shacabka reer b/xaawo ay u baahanyihiin waxqabad dhab ah iyo mashaariic kala duwan oo waxtar u leh deegaanka.
Dhanka kale marka uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saraakiisha ka socotay hay,adahan UN-ka iyo gudoomiyaha ay kormeereen goobo kamid ah goobaha caafimaadka iyo waxbarashada oo ay gacanta ku hayaan hay,adahaan.
Ugu dambayn gudoomiyaha degmadda ayaa xariga ka jaray goob ay dhistay hay,adda FAO oo laga dhisay deegaanka malkaariyeey,looguna tala galay kaydka calafka xoolaha.