Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo Cabdicaiis xareed cabdulaahi oo uu wehlinayo madaxa arimaha bulshada ee degmadaas Nuur cadaawe baadow ayaa maanta ka qayb galay xaflada qalin jabinta dufcada 1 aad,2 aad,3 aad,4 aad iyo 5 aad ee jaamacadda caalamiga ah ee Gedo International University ee degmadda B/xaawo.
Ardaydaan oo ay tiradooda gaarayso 120 arday ayaa ka qalin jabinaayay kuliyadaha caafimaadka iyo sidoo kale sharciga iyo qaanuunka.
Munaasabadaan ayaa waxaa goob jooga ahaa qaybaha kala duwan ee bulshadda Gobolka Gedo,bahda waxbarashada iyo marti ka kala timid degmooyinka gobolka gedo iyo caasimada dalka.
Dhamaan martidii kasoo qayb gashay xafladaan qalinjabinta oo goobta ka hadlaayay ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin jabinayso iyagoona bogaadiyay doorka jaamacadda caalamiga ah ee Gedo ee ku leedahay horumarinta waxbarashada guud ahaan gobolka gedo.