Gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo oo ay wehlinayaan madaxa arimaha bulshada degmadda nuur cadaawe baadow iyo taliyaha saldhiga booliska ee degmadda cali muxumed daahir ayaa maanta daah furay imtixaanka shahaadiga ee dusiga sare oo ay qaadayso wasaarada waxbarashada ee dowladda federaalka soomaaliya.
Ardayda u fadhiisatay imtixaankaan shahaadiga ah ayaa waxaa ay gaarayaan 229 arday kuwaasi oo ka kala yimid afar dugsi sare oo ku yaala degmadda b/xaawo.
Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12 aad ee Qaranka ayaa saaka si rasmi ah uga bilowday guud ahaan dalka oo dhan.