Gudoomiyaha degmadda beled-xaawo ee gobolka gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi oo ay wehlinayaan gudoomiye ku xigeenka degmadda c/fitaax nuur mataan iyo madaxa arimaha bulshada ee degmadda ayaa maanta daah furay imtixaanka shahaadiga fasalka siddeedaad kaasi oo ay qaadayso wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka jubbaland.
Ardaydaan ayaa tiradooda gaaraysaa 423 arday kuwaasi oo ka kala yimid 19 iskuul oo ku yaala degmadda b/xaawo iyo nawaaxigeeda.
Imtixaankan shahaadiga ee qaadayso wasaarada waxbarashada ee dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta si guud uga bilowday iskuulada ku yaalo degmooyinka gobolka gedo iyo guud ahaan dowlad goboleedka jubbaland.