Gudoomiyaha degmada beledxaawo ee gobolka gedo c/siis xareed c/laahi ayaa maanta la shiray xubnaha maamulkiisa waxaana uu ka warbixiyay safarkiisa shaqo ee uu ku tagay maamulka kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka jubbaland.
Dhinaca kale gudoomiye c/siis ayaa warbixino ka dhagaystay xubnaha kala duwan ee maamulka degmadda.
Xubnaha maamulka degmada ayaa soo bandhigay warbixinada shaqo ee todobaadkii lasoo dhaafay u qabsoomay maamulka iyo qorshayaasha toddobaadyada soo socda.