Shir jaraa,id oo maanta lagu qabtay goobtii ay ku taaley buundadii duntey ee degmadda baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida maamulka,ganacsatada,odoyaasha iyo gudiga horumarinta degmadda baardheere .
Ganacsatada degmadda baardheere ayaa sheegtay qorshihii lagu dhisi lahaa buundada iyo gudigii uruurin lahaa dhaqalaaha lagu dhisayo buundada.
Xubnihii ka hadlay goobta ayaa sheegay in ka go,an tahay qorshaha dib loogu dhisayo buundada oo duntay muddo haatan laga joogo seddex bil waxaana ay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo dhismaha buundada oo muhiimad gaar ah u leh noolasha dadka deegaanka iyo goboladda dalka.
Dhanka kale gudiga ayaa ku dhawaaqay in degmadda baardheere dadka deegaanka loo qorsheeyay bixinta lacag dhan hal milyan oo doolar taasi oo qayb ka ah dib u dhiska buundada.
Ugu danbayntii waxaa kulanka ka hadlay gudoomiye ku xigeenka degmadda Baar-dheere faarax cabdi nuur turbac waxaana uu si wayn usoo dhaweeyay qorshaha dib loogu dhisayo buundadii baardheere iyo gudiga loo magacaabay dhaqaale uruurinta.