Qaraxa oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuqa TADA ee degmadda luuq oo ay ku yaalaan maqaaxiyo yaryar cuntada laga cuno isla maraakan shaaha laga cabo.
Waxaa goobtaas ku taalo boosteejada baabuurta doolow iyo beledxaawo waxaana fariista sariflayaal badan.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan inay jirto dhimasho iyo dhaawac,lamana ogaan karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan maadaama la jaray oo hawada laga saaray isgaarsiinta anteenooyinkii degmadda.