Munaasabad lagu xusayay maalinta deegaanka aduunka ayaa maanta waxaa lagu qabtay jaamacada caalamiga ah ee gedo ee degmadda b/xaawo.
Waxaa kasoo qaby galay xuska maalintaan madaxa arimaha bulshada degmadda b/xaawo nuur cadaawe baadoow,madaxa mashaariicda iyo xeriirka hay,adaha degmadda maxamed faarax,ururada bulshada,maamulka ,macalimiinta iyo ardayda jaamacada gedo.
Intii ay munaasabada socotay ayaa waxaa laga hadlay sidii deegaanka loog badbaadin lahaa waxyeelada.
Hal ku dhiga sanadkaan wuxuu ahaa dhawrida badqabka dhulka,joojinta nabaad guurka iyo ka hortaga waxyeelada abaarta.
Munaasabada ayaa si wanaagsan kusoo dhamaatay waxaana xayn daabka jaamacada gedo lagu beeray 100 geed.