Ciidanka xoogga dalka soomaaliya ee ka howlgalaya bariga gobolka galgaduud ayaa fashiliyay qaraxyo miino oo ay diyaariyeen maleeshiyada kooxda alshabaab kuwaas oo la doonayay in waxyeelo loogu gaysto ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Qaraxyo miino oo kooxda alshabaab ku aaseen waddooyin xeriiriya deegaanada masagawaay iyo baraag shiiq caamir ee gobolka galgaduud ayay ciidamadu ku guulaysteen in ay fashiliyaan ayna goobihii lagu aasay kasoo saaraan miinooyinkaasi.
Saraakiisha ciidannka xooga dalka ee hogaaminayay howlgalka miinooyinkaan lagu soo saaray ayaa sheegay in ay fashiliyeen dhagartii ay kooxda alshabaab la maaganayeen ciidanka xoogga iyo waliba dadka deegaanka.
Kooxda alshabaab ayaa inta badan miinooyi ku aasa wadooyinka ay isticmaalaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka waxaana sidoo kale ay miinooyin ku aasaan wadooyinka soo gala deegaanada ay joogaan si aan fudeed loogu soo gaarin.