Wararka inaga soo gaaraya degmadda beledxaawo ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in ninkii waday gaari dameerkii ama kareetadii saaka ku qaraxday xaduudka gaar ahaan halka loo yaqaano ina baari oo ay ciidanka booliska keenya barkontorool ku leeyihiin in gacanta ku dhigeen ciidanka aan muuqan NISA ee ka howlgala degmadda beledxaawo.
Xogta waxaa ay intaasi ku daraysaa in ninkaan la qabtay uu qirtay in uu waday gaari dameerka kaasi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxo,waxaana saarnaa fuustooyin ay kujiraan shidaal oo uu kasoo qaaday dhanka magaalada beledxaawo.