Ciidamada jubbaland iyo ciidamada xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta kismaayo iyo afmadoow iyagoo burburiyay gabaadyadii u danbeeyay ee maleeshiyaadka kooxda alshabaab ay ku lahaayeen gobolka jubbada hoose ee u dhaxeeya kismaayo iyo afmadoow.
Ciidamada ayaa inta uu holwgalkan socday gaaray deegaanada lagta qubbi,golhadamo,biibi,harboole iyo miido iyadoo ciidamadu ay kasoo baxeen degmadda afmadoow iyo deegaanka janaay cabdalle.
Ciidamada jubblanad oo maalmihii lasoo dhaafay sifay ku waday jidka dheer ee u dhaxeeya kismaayo iyo afmadoow waxaa wixii hadda ka danbeeya si nabad ah u isticmaali doona dadwaynaha.
Dhinaca kale ciidamada jubbaland ayaa maanta howlgalo ka sameeyay deegaanada joore, iyo weel-maroow iyadoo dagaaladaas qasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyada kooxda Alshabaab.