Waxaa maanta magaalada nayroobi ee caasimada dalka keenya ku kulmay wasiirkii hore amniga maamulka jubaland cabdirashiid xasan cabdinuur(janan) iyo eheladiisa.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin,odoyaal dhaqameed iyo xildhibaan duniyo cismaan yuusuf oo katirsan xildhibaanada aqalka hoose BF ee laga soo doortay jubbaland kuwaas oo ku hayb ah janan.
Waxaa kulanka intiisa badan uu daarnaa hambalyo iyo bogaadin kusocotay c/rashiid janan oo haatan ah musharax madaxwayne ee jubbaland si hankiisa siyaasadeed loogu taageero isla markaana lagala shaqeeyo ilaa uu ka gaaro.