Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulkaas ku qaabilay taliyaha qaybta labbaad ee ciidamada ATMIS Brigadier Seif Salim Rashid iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka ATMIS.
Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii ciidamada ATMIS ay uga qayb qaadan lahaayeen howlgalada ay wadaan ciidamda jubbaland oo guulo muuqda ka gaaray xoraynta deegaano kala duwan oo katirsan jubbaland maalmihii lasoo dhaafay.
Madaxwaynaha jubbaland ayaa u sheegay saraaakiisha ATMIS in guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda alshabaab waxaa uuna ka codsaday saraakiisha ATMIS in dagaalka gacan ku siiyaan.
Ciidamada kumaandooska ee danab oo garab ka helaya kuwa daraawiishta jubbaland ayaa dhawaan alshabaab kala wareegay deegaano ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada kooxda alshabaab.