Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe iyo wafti la socday ayaa goordhaw ka degay magaaladda kismaayo waxaana halkaasi si wayn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada kismaayo.
Axmed madoobe ayaa isaga oo caraysan isaga tagay magaaladda muqdisho oo uu maalmahaan u joogay ka qayb galka shirka golaha wadatashiga qaran waxaama la sheegay in axmed madoobe ka biyo diiday qodobada qaar ee shirka lagu go,aamin lahaa taa oo keentay in shirka fashil kusoo dhamaado.
Madaxwaynaha jubbaland ayaana diiday in muddo kordhin kale ooh al sanno ah loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa uu sidoo kale golaha ugu baaqay in aan go,aanno masiiri ah la gaarin iyada oo ay Puntland iyo SSC-KHAATUMO shirka banaanka ka joogaan.
Shirka golaha wadatashiga qaran oo la filayay in laga soo saaro war-murtiyeed lana soo gabagabeeyo ayaan jirin ilaa hadda wax war ah oo laga soo saaray,waxaana shirkaan uu u muuqdaa mid fashil kusoo dhamaaday ayna niyad jab ka qaadeen madaxda dowladda federaalka soomaaliya.
Madaxda kale ee maamulada galmudug,koonfur galbeed iyo hirshabeele ayaa dhamaantood raali ka ah in muddo kordhin hal sano ah loo sameeyo waxaa ay sidoo kale masuuliyiintaan raali ka yihiin qodobo badan oo ay rabto villa soomaaliya,hase ahaatee axmed madoobe ayaa iska diiday qodobadaasi isla markaana fashiliyay damacii madaxda federaalka.