Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee maamulka jubbaland axmed faarax cali aways oo ay wehlinayaan gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo cabdicasiis xareed cabdulaahi,xubno kamid ah maamulka degmadda,isku duwaha wasaarada waxbarashada gobolka Gedo maxamed cabdile cali iyo isku duwaha wasaarada waxbarashada ee degmadda farxaan afeey muxumed ayaa maanta dhagax dhigay xafiiska wasaarada waxbarashada ay kuyeelan doonto degmadda.
Xafiiskaan oo muhiinm u ah u adeegida bulshada ee dhanka waxbarashada ayaa dhawaan laga hirgelinayaa degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo.
Gudoomiye c/casiis iyo masuuliyiintii goobjooga ahayd munaasabada dhagax dhiga ayaa bogaadiyay shaqooyinka ay wasaarada ka wado guud ahaan gobolka Gedo,gaar ahaan degmadda beled-xaawo.