Maxkamada magaalada mandera ee Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa xukun xabsi daa,in ah ku riday macalin dugsi lagu magacaabo sheikh maxamed cabdulaahi isaaq oo 38 sano jir ah.
Macalinka ayaa lagu helay dambi ah in uu faraxumeeyay ilmo yar,dambigaas oo ka hor imaanaya sharciga dalkaasi qodobkiisa 8 aad ee farqadiisa koowaad ee arimaha jinsiga taasi oo ku xusan xeerka dambiyada.
Kooxda dacwad oogidda oo ay hogaaminayeen qareenada kala ah Patrick namiti,Stephen kasyoka iyo Michael lokitam ayaa soo bandhigay cadaymo lagu qanci karo intii ay socotay dhagaysiga dacwadaan kuwaas oo ay kujiraan marag furka afar marqaati,gaar ahaan sarkaalka u xilsaarnaa baaritaanka kiiskaan iyo dhaqtarka caafimaadka.
Garsooraha maxkmada ayaa markii uu xukunka riday kadib ku nuux-nuuxsaday heerka uu gaarsiisanyahay dambigaan isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in xukun xabsi ah lagu fuliyo eedaysanaha si uusan markale u dhicin dambi noocaan oo kale ah,kuwaas oo si aad ah ugu soo badanayay magaaladaasi.