Madaxda soomaaliya,itoobiya,Kenya iyo Uganda ayaa qorshaynaysa inay yeeshaan kulan ay ku yaraynayaan xiisadaha gobolka geeska afrika ee udhaxyasa soomaaliya iyo itoobita sida uu shaaciyay madaxwaynaha Kenya William ruto.
Ruto ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayay magaaladda caruusha ee dalka Tanzania isagoo ah gudoomiyaha cusub ee ururka bariga afrika xilli uu ka qayb galayay shir madaxeedkii 24 aad ee caadiga haa ee madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkaas.
Ruto masheegin xilliga uu dhacayo kulanka la qorsheeyay,haddii la xaqiijiyo waxaa uu noqonayaa shirkii ugu horeeyay ee toos ah oo dhexmara madaxda itoobiya iyo soomaaliya tan iyo markii addis ababa ay Somaliland la saxiixatay heshiiskii is afagaradka ahaa ee muranka dhaliyay ee janaayo 1,2024 inkastoo uusan weli fulin.
Madaxda soomaalida ayaa ku adkaystay in aysan jiri doonin kulan toos ah oo ay la yeelanayaan madaxda itoobiya haddii aan la baabi,inin heshiiska MoU ee ay soomaaliland kaasoo dhigayay in labadda dhinac ay isku bedeshaan dhul badeed iyo aqoonsi.