Maamulka jubbaland ayaa beeniyay eedaymaha ka imaanaya dowladda federaalka ee sheegay inay xeriir la leeyihiin maleeshiyada kooxda alshabaab ayna ciidamadii weeraray raaskambooni dhexmareen deegaano ay ka taliso alshabaab.
Wasiir kxugeenka amniga ee jubbaland aaden axmed xaaji ayaa sheegay in eedahaas aysan waxba kajirin.
“Gaadiidkeena,anaga badda ayaan marinay,buurgaabo ayaan joognay difaaceena u dambeeya,raaskambooni iyagaa ciidankeena kala furay annagaa joognay” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda in iyada ay weerarka soo qaaday sidaasina uu dagaalka ku bilowday.
“Warka ay sheegayaan waxba kama jiraan,dowladda iyadaa weerarka soo qaaday,dagaalka drone ayuu kubilowday,waana haynaa drone-ta”.
Wasiirka wuxuu kale oo uu sheegay in warka dowladda ay warbaahinta u gudbinayso uu been yahay.
“Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin,intaas oo diyaaradood ayay meesha gaysay,ciidan ATMIS ahaa oo degenaa raaskambooni majiro,maxay ciidamadda u gaysay” ayuu iswaydiiyay