Macalin wax ka dhiga madaraso ku taala xaafada tawakal ee magaalada mandera ayaa maanta lagu helay dambi ah in uu fara xumeeyay isla markaana uu kufsaday gabar 10 sano jir ah.
Kiiskaan oo muddo sanad ah socday ayaa waxaa lagu maqnaa baaritaan waxaana maanta si rasmi ahi maxkamada dalkaasi Kenya sheegtay in cadaymo lagu helay macalinka.
Eedaysanaha ayaa waxaa uu wajahayaa suurtagalnimada xabsi daa,in marka loo eego xeerka ciqaabta dambiyada galmada ee dalkaasi Kenya.
Eedaysanahaan ayaa ah macalin leh labbo xaas waxaana go,aanka kama dambays kiiskaan laga gaari doonaa 14 bisha oktoobar ee hada socoto.