Caasimada dalka suuriya ee dimishiq ayaa si rasmi ah gacanta ugu gashay xooggaga mucaaradka ee suniga ah.
Kooxaha mucaaradka ayaa la wareegay dhismaha raadiyaha iyo tilifishinka suuriya waxayna ku dhawaaqeen in uu dhamaaday xukunkii madaxwayne bashaar al asad.
Madaxwaynihii suuriya ayaa ka cararay dimishiq lama yaqaano meel uu aaday sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ay u xaqiijiyeen saraakiil suuriyaan ah.
Tan ayaa ka dhigan in taariiqda dalka suuriya ay u bilaabatay bog cusub isla markaana lasoo afmeeray xukunkii qoyska bishaar al asad oo dalkaasi kasoo talinayay muddo ka badan nus qarni.