Qaramada midoobeey ayaa walwal kamuujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyay Kenya,kuwaas oo kooxaha xaquuqda aadanaha ay sheegeen in la afduubtau oo si qasab ah loo celiyay iyada oo la jebinayo sharuucda caalamiga ah.
Sidoo kale afarta qof ayaa lagu kala magacaanaa Mustafa genc,huseynin yesilsu,ozturk uzun alparslan tacsi ayaa dib loogu celiyay turkiga jimcihii sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibadda dalka Kenya.
Dhanka kale arintaan waxaa ay daba socotay warar warbaahinta baahisay oo sheegayay in laga afduubtay waddo ku taala caasimadda Kenya ee Nairobi iyaga oo seddex qof oo kale oo markii dambe lasii daayay.
Unhcr oo ah hay,adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobeey ayaa bayaan ay siisay wakaalada wararka ee AFP ku sheegtay “in ay aad uga walaacsantahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya”.
Waxaa ay ugu baaqday dowladda Kenya in ay u hogaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah iyo gaar ahaan inay ixtiraamto mabda,a magangalyo doonka iyo qaxootiga ka ilaalinaya talaabo kasta oo u horseedi karta in loo raro meel ay noolashooda ama xoriyadooda halis ku galayso.
Ma ahan markii ugu horaysay oo Kenya ay ku lug yeelato falal qasab ah oo lagu masaafuriyay muwaadiniin Turkish ah.
Bishii may 2021,basaasiinta turkiga ayaa afduubtau selahaddin gulen ay ehel yihiin nin ay muddo cadaawad kala dhaxaysay madaxwayne recep Tayyip Erdogan inkasta oo maxkamadda Kenya ay amartay inaan loo gacan gelin.
Waxaa adeer u ahaa Fethullah gulen oo ah wadaad axadii geeriyooday isaga oo 83 sano jir ah kaasi oo fadhigiisu ahaa maraykanka islamarkaana uu Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee 2016.