Sanadkii lasoo dhaafay israa,iil waxaa ay u dirtay kumanaan askari gaza iyo koonfurta lubnaan,waxay fulisay duqayn.
Malaayiin doolar ayaa ku baxday difaaca cirka si ay uga hortagaan gantaalada kusoo dhacaya.
Israa,iil waxaa ay ku qiyaastay lacagta uga baxday dagaalka xamaas iyo xisbullah in ay ka badan tahay 60 bilyan oo doolar,saamayn xun ayay ku yeelatay dhaqaalaheeda.
Waa dagaalkii ugu dheeraa uguna qarashka badnaa ay israa,iil gasho sidaasina waxaa golaha Knesset u sheegay wasiirka lacagta ee dalkaas,Bezalel Smotrich bishii sebteember ee sanadkaan.
Smortich wuxuu intaas ku daray in qarashka ku baxaya howlgalada militari uu u dhaxeeyo 54 ilaa 68 bilyan oo doolar.
Shaki kuma jiro in duqaynta israa,iil ee lubnaan,duulaanka militari ee koonfurta lubnaan iyo sidoo kale gantaaladda ay ku difaacayso hawada sare ay sii kordhinayaan qarashka.
Dr Amr El-Garhy oo ah dhaqaaleyahan katirsan jaamacadda Sheffield Hallan ee Uk waxaa uu sheegay kaddib markii uu kordhay dagaalka in qarashka uu gaarayo 93 bilyan oo doolar.
Haddii dagaalka uu sii socdana ilaa 2025-ka in qarashka gaarayo lix meelood meel miisaaniyada israa,ii lama GDP-ga dalka.