Aroornimadii hore ee saaka oo sabti ah israa,iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday saldhiyo militari oo ku yaala dalka iran,weerarkaas oo ayay sheegtay in ay uga aargudanayso duqaymihii cuslaa ee ay iran ku garaacday israa,iil horaantii bishaan oktoobar.
Weerarka ay israa,iil saakay waabarigii ka hor ku qaaday iran ayaa ka dhigan talaabadii u danbaysay ee coolaada sii xumaanaysa ee ka aloosan bariga dhexe taas oo sababtay dhimashada tobananaan kun oo ruux muddo ka badan sannad.
Majiro war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay iran oo ku saabsan weerarkan,hase yeeshee warbaahinta iran ayaa ku warantay in labbo hir oo qaraxyo aad u waawayn laga maqlay muddo ku siman labbo saacadood gudaha caasimada Tehran iyo hareeraheeda gaar ahaan saldhigyada militariga.
Labbo sarkaal oo israa,iili ah oo qariyay magacyadooda ayaa wakaaladda wararka ee reuters u xaqiijiyay in israa,iil aysan weerarin xarumaha iran balse ay bartilmaameedsatay saldhigyo militari.
Iran ayaa xirtay marinada hawada ee ku aadan xaduudaheeda isla maanta oo sabti ah.
Duulimaadyada mari lahaa hawada iran,ciraaq,suuriya iyo lubnaan ayaa la weeciyay sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP.
Saraakiil katirsan dowladda maraykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee reuters in israa,iil ay ku wargalisay xukuumada Washington weerarka ay ku qaaday iran.
Saraakiishaan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in maraykanka uusan ku lug lahayn weerarkaasi.