Raysalwasaaraha israa,iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa uu mutaysan doonaa xarig haddii uu tago dalka ingiriiska kadib markii waaran soo qabasho ah ay u jartay maxkamadda dambiyadda caalamiga ah ee ICC,sida uu sheegay xafiiska lambar 10 ee laga xukumo ingiriiska.
Afhayeen u hadlay xafiiska lambar 10 ayaa diiday in wax hadal ah ka dhiibto kiis goobi ah balse waxaa uu sheegay in dowladda ingiriiska ay ka go,antahay in ay fuliso waajibaadkeeda sharciga ah.
Maalintii khamiista maxmakadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo wasiirkii hore ee difaaca israa,iil Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.
Wadamada xubnaha ka ah maxkamadda oo ay kujirto UK ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.