Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiskii nabadeed ee arbacadii lagu gaaray magaaladda Ankara ee dalka turkiga ee u dhaxeeyay itoobiya iyo soomaaliya
Xoghayaha fulinta IGAD,workneh gebeyehu ayaa bogaadiyay heshiiskii taariqiga ahaa ee Ankara ee ay wada gaareen labadda dal ee bariga afrika.
Dowladaha soomaaliya iyo itoobiya ayaa heshiis ku gaaray magaaladda Ankara ee dalka turkiga ,kadib wada hadalo dhexmaray labadda dowladood.
Qoraalkeeda rasmiga ah,IGAD waxay hoosta ka xariiqday in heshiiskaan muhiimka ah muujinayo talaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dhanka xoojinta xeriirka soo jireenka ah ee bulsho ee ka dhaxeeya labadda dal ee walaalaha ah,isla maraakana uu muujinayo sida ay uga go,antahay in si wadajir ah loo xaliyo arimaha labadda dhinac.
Workneh waxaa uu ku amaanay madaxda labadda dal ka qayb galkooda wax ku oolka ah iyo shucuurtooda iskaashi.
Wuxuu kaloo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay dedaaladaan dibloomasiyadeed ee wax looga qabanayo caqabadaha la wadaago iyo kobcinta xasiloonida iyo barwaaqada geeska afrika.
Sidoo kale workneh ayaa uga mahadceliyay madaxwaynaha jamhuuriyadda turkiga,Recep Tayyip Erdogan doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay martigelinta iyo fududaynta doodaha.
Wuxuu qiray dedaalka madaxwayne Erdogan ee ku aadan dibloomaasiyada iyo iskaashiga gobolka inay tahay arrin muhiim ah oo lagu xaqiijinayo guushaan muhiimka ah.
IGAD waxay ku adkaysanaysaa sida ay uga go,antahay inay taageerto dowladaha xubnaha ka ah sidii ay u heli lahaayeen xal waara oo wada hadal iyo iskaashi dhexmara.