Gudoomiyihii hore ee gobolka gedo cabdulaahi cabdi jaamac shimbir oo kusugan degmadda garbohaareey oo xalay warbaahinta lahadlay ayaa madaxda dowladda federaalka soomaaliya ku eedeeyay in ay magaaladda raaskambooni oo aan degmo ahayn ay geeyeen ciidamo,isla markaana madaxda dowladda ay ku degdegeen dagaalka.
Cabdulaahi shimbir oo waraysigiisu uu ka muuqday walaac badan iyo niyad jab uu ka muujinayo hab-dhaqanka madaxda dowladda federaalka ayuu dhawaan xilkii ka qaaday maamulka jubbaland,waxaana uu haatan hoostagaa madaxtooyada soomaaliya.
Waxaa waraysigiisa laga dheehan karaa in arimihii ay isku ogaayeen madaxda dowladda federaalka soomaaliya ay wax badan iska badaleen isagoo xusay in habka hada dowladda dhexe wax u wado inaan lagu gaari karin doorasho qof iyo cod ah.