Golaha wasiiradda xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya oo yeeshay kulan gaar ah oo uu gudoominayay ra,iisul wasaare kuxigeenka dalka saalax axmed jaamac ayaa lagu soo bandhigau qaar kamid ah qoddobada dastuurka ee dib u eegista lagu samaynayo iyo kuwii horay loogu sameeyay.
Guddigga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha dastuurka u qaabilsan baarlamaanka ayaa golaha warbixin ka siiyay halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib u eegista dastuurka gaar ahaan qoddobada 5 aad iyo 9 aad oo la bilaabay wadatashiyadooda.
Golaha wasiiradda XFS ayaa su,aalo ka waydiiyay guddiga isla markaana aragtidooda ku biiriyay cutubyada lasoo bandhigay ee dib u eegista lagu samaynayo.