Ciidamadda dowladda federaalka soomaaliya oo isugu jiro nabad sugid,militari iyo boolis ee kusugan degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa maanta garoonka diyaaradeed macmal ah ka sameeyay agagaarka xeradda ciidanka xoogga ee lagu magacaabo Uk ee ku taala duleedka degmadaas.
Arintaan ayaa timid kadib markii garoonkii diyaaradaha ee degmadda doolow oo ay gacanta ku hayaan ciidamada itoobiya ay maamulka degmadaas oo taabacsan jubbaland diideen inay kasoo dagaan madaxda dowladda dhexe.
Waxaa berito lagu wadaa in garoonka macmalka ah degmaddaas kasoo degto diyaarad helikobtar oo ay leeyihiin ciidamada cirka xoogga dalka soomaaliyeed,waxaana caawa heegan buuxo la geliyay ciidamadda qalabka sida ee dowladda soomaaliya ee kusugan degmadaas iyagoona sugaya amniga.